7-March-2024
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta daah furtay waxa ay ugu yeedhay “hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka”.
Hannaankan uu daahfuray Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Ahmed Said Mohamed ayey hay’addu sheegtay in uu meesha ka saari doono qaabkii qabashada xogtay codsadaha oo awal gacanta lagu qori jiray “isaga oo soo gaabiniya waqtiga hubinta iyo daabaacadda intaba”.
Sida ay Hay’addu sharraxday, qaab elektaroonig ah ayaa xogta lagu qabanayaa taasoo sida ay sheegtay fududeynaya habraaca codsashada baasaboorka