Hay’adda SoDMA oo diyaarado soo daabulo dhaawacyada qaraxii maanta u dirtay Beladweyne

23- September-2023- Baladweyne

Hay’adda SoDMA oo diyaarado soo daabulo dhaawacyada qaraxii maanta u dirtay Beladweyne iyadoo faahfaahinada soo baxaya ay sheegayaan dhimashada 10 qof Iyo dhawaaca 15 kale

Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka socdaan abuulka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa Caawa Magaalada Baladweyne u dirtay Diyaarado soo daabulo dadka Shacabka ah ee ku dhawaacmay Qarixii cuslaa ee Argagixisada ka gaysatay Magaaladaas.

Agaasimaha xarunta Qaran ee Gurmadka Deg-degga ah ee SoDMA Mudane Xasan Ciise ayaa ka warbixiyey howlaha loogu gurmanaayo dadkii ku wax yeeloobay qaraxii maanta ka dhacay Baladweyne.

Hay’adda SoDMA oo kaa shanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Hirshabelle iyo UNSOS ayaa Caawa waxa ay Magaalada Baladweyne u dirtay Diyaarado soo daabula dhawacyada culus ee Qaraxaas ku dhawacmay si isla caawa loo keeno magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo hey’adda SoDMA sii diyaarisay Gawaarida Gurmadka Deg-degga si dhawacyadaan ugu daabulaan Isbitaalada  Cafimaadka

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay barkoontarool oo ku taala agagaarka Buundada Nuur xawaad, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

X壯陽藥 aaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaanagoobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen.

Leave a Reply