14- September-2023

Guddoomiye hay’adda Maareeynta musiiboyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee hay’adda SoDMA, kaas oo looga hadlay u diyaar garowga xilli roobaadka soo aaddan iyo u diyaar garowga ka hor tagga dufaanta El-Nino oo laga cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato qaybo ka mid ah goballada dalka xilli roobaadka soo socda.
Guddoomiyha hay’adda SoDMA ayaa kulanka ku magacaabay guddi 6-xubnood ah oo ka shaqeeyn doona ka hortagga, isku xirka hay’adda iyo ka jawaabidda musiibada El-Nino oo la saadaalinayo bilaha soo aaddan ee October iyo November sanadkaan
Kulanka todobadlaha ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha.