Kenya oo 15 Bilyan oo geed ku tallaalaysa dhulkeeda

13- November-2023″

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku booriyay guud ahaan shacabka dalkaasi inay ku biiraan dadaalka qaran ee lagu beerayo dhirta.

Maanta Isniin ah waxaa lagu dhawaaqay fasax qaran si loo bilaabo qorshe dowladeed oo hiigsi ah, kaas oo lagu beerayo 15 bilyan oo geed tobanka sano ee soo socda si loola dagaallamo isbedelka cimilada. Dawladdu waxay si bilaash ah ku bixinaysaa geedo lagu犀利士 beero meelaha loo qoondeeyay dadweynaha.

Waxa kale oo ay dadka ku dhiirigelisay in ay iibsadaan ugu yaraan laba geed si ay ugu beeraan dhulkooda. Ololahan ayaan ka soconin gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu degto halkaas oo ay ka dhaceen fatahaado.

Dalka Kenya ayaa hadda waxaa ka da’aya roobabka El Nino oo ay ku dhinteen dad badan. Sidoo kale waxa dhawaanahan la soo deristay abaartii ugu darnayd ee afartan sano soo marta.

Leave a Reply