Madaxa Hay’adda (WHO) Oo soo hadal qaaday xaaladihii ugu danbeeyay Somalia Uganda iyo Ethiopia ayaa sheegay in ay U dirayaan Gargaar Caafimaad oo degdeg ah

30″ October “2022

Madaxa Hay’adda (WHO) ayaa soo hadalqaaday xaaldihii ugu danbeeyay Somalia, Ethiopia iyo Uganda Dheeho.com

Isaga oo ka hadlaya Somalia Madaxa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caaafimaadka adduunka ee (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay u dirayaan gargaar Caafimaadka oo degdeg ah kadib markii uu ay gaartay Wararka ku saabsan waxyeelada ka dhalatay weerarkii bahalnimada ee argagixsada shabaab ay la beegstay dad rayid oo ku sugnaa caasimada Muqdisho

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa bartiisa Twitter-,ka ku soo dhigay qoraal kooban oo isugu jiray tacsi iyo balan qaad isagoo yiri

Fikirkeenu wuxuu la jiraa shacabka #Soomaaliya, waxaana tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay dhibaatadu gaartay. @WHO waxay diyaar u tahay inay taageero siiso dawladda si loo daweeyo dadka dhaawaca ah oo loo fidiyo daryeel caafimaad

Mar uu soo hadal,qaaday xaalada Ebola ee dalka Uganada Tedros Adhanom waxa uu yiri” Aad bay muhiim u tahay in la-hawlgalayaasha ay si degdeg ah u wada shaqeeyaan si loo hubiyo in ilo ku filan kor loogu qaado jawaabta laga bixinayo #Ebola ee #Uganda

Agaasimaha WHO ayaa dalbaday $67.9 milyan oo wax looga qabto #Ebola ee #Uganda Isaga oo yiri farqiga hadda taagan waa $58.2 milyan

istiraatijiyada gobolka iyo qorshaha jawaabta waxay u baahan tahay $133 milyan si kor loogu qaado u diyaargaroowga dalalka deriska ah Waxaan ku boorinaynaa deeq-bixiyeyaasha inay si degdeg ah u kordhiyaan taageeradooda.

Agaasimaha guud Hay’adda caafim壯陽藥 aadka adduunka WHO ayaa ka digay in cisbitaallada ay si aad ah ugu hooseeyaan sahayda caafimaadka,gobolja Tigray iyadoo dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa TPLF ee dalka itoobiya uu sii xoogaysanayo

Leave a Reply