7″ April “2021” MUQDISHO
Ilo ku dhow dhow shirka uga socda Teendhada Afisyooni ee u dhexeeya Dowlad judo xileedkeedu dhamaaday iyo , Maamul Goboleedyada ayaa ku kala tagay shirkii Afsiyooni iyada oo kooxba kooxda kale ay dusha ka saareeyso masuuliyada burburka .
Natijo la’aanta Shirkii u dhexeeyay Madaxda dowladda Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maanta dib uga furmay Teendhada Afisyooni ayaa noqday mid ay isku tuurtuuraan dhinacyadii
Iyada dood adegi at ahayd in laysla fahmi waayay Ajendayaasha shirka
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta ayaa ka hadashay Shirkii Maanta dib ugu furmay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada, kaasi oo fashil kusoo dhammaaday.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta Cismaan Abuurkar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu maamulada Puntland iyo Jubbaland ku eedeeyay in aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii Sep.
“Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa Umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.
Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay noqdeen wax uu ku tilmaamay jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn, waa sida uu hadalka u dhigay.