Heshiiska Farmaajo & Rooble ma ku filan yahay In uu meesha ka saaro dib u dhicii ku yimid geeddi-socodka doorashada ?

Soomaaliya waxaa loogu tala galay inay doorato madaxweyne cusub bishaan, laakiin khilaaf u dhexeeya madaxweynaha iyo RW ayaa hakiyay howshaas.

Dalalka daneeya soomaaliya ,Qaramada midoobay midowga Africa iyo midowga yurub oo isha Ku hayay xaaladii cakirneeyd ee somalia ayaa cadaadis hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay xalliyaan murannada iyo inay mudnaanta koowaad siiyaan qabashada doorashooyinka qaranka oo muddo dhow jeer犀利士 ah dib u dhacday

Qilaafka oo Isugu soo biyo shubtay cidda hoggaamin doonta Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa ugu danbeeyn u muuqada in farmaajo uu Ku adkaaday markii loo daayay tuhmane yaasiin fareey oo kamid ah saraakiisha lagu eedeeynayo sarkaaladii LA waayay ee IKRAAN

“Hoggaanku wuxuu isku raacay in la dardargeliyo geeddi -socodka doorashada iyagoo ugu baaqay dowladaha xubnaha ka ah federaalka inay billaabaan doorashada [aqalka hoose] baarlamaanka labada toddobaad ee soo socda,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen labada hoggaamiye goor dambe oo Khamiistii ah.

Sida waafaqsan heshiiska, qofka madaxweynaha magacaabay ayaa hadda si kumeel gaar ah u qaban doona jagada, halka ninka ra’iisul wasaaruhu doortay la siin doono kaalin ka duwan sidii wasiiru dowle.

Khilaaf gooni ah oo ku saabsan cidda hoggaamin doonta wasaaradda amniga gudaha ayaa sidoo kale la xaliyay, sida uu sheegay afhayeenka dowladda.

Soomaaliya waxay lahayd xukun dhexe oo kooban oo kaliya tan iyo markii la riday hoggaamiyihii muddada dheer Maxamed Siyaad Barre 30 sano ka hor, weligeedna ma aysan qaban doorasho xor ah.

Marka la eego hannaanka doorashada dadban, golayaasha gobollada waxaa loola jeedaa inay doortaan guurtida, oo la dhammaystiri karo toddobaadkan.

Odayaasha beesha ayaa markaa soo xuli doona xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka, oo hadda lagu wado inay dhacaan bisha soo socota. Baarlamaanka ayaa dooran doona madaxweyne cusub taariikh aan wali la cayimin.

Rooble iyo Maxamed ayaa isku dhacay bishii Abriil, markii madaxweynuhu kaligiis u kordhistay 2 sano inuu xilka hayo , taasoo keentay in kooxihii ciidanka oo nin walba daacad u ahaa ay qabsadaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Iska horimaadka ayaa la xaliyay markii madaxweynuhu uu Rooble u xil saaray amniga iyo abaabulka doorashooyinka dib u dhacay.balse heshiiska ay hada gaareen ayaan ogeeeyn sida uu ku hirgali karo

Siyaasiinta mucaaradku wali ma hadlin wallow la dhihi waxaa jira qodobo aysan Ku qanacsanaan doonin

Golaha midowga musharaxiita ayaan wali ka hadlin heshiika farmaajo iyo Rooble oo hadii nuxurkiisa at saluugaan aan la ogeeyn saameenta uu doorashada Ku yeelan karo

Leave a Reply