Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa la hor-geynayaa baarlamaanka Somalia

8″ Feb “2023”

Heshiiska millateri ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee habeen hore ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa la hor-geynayaa baarlamaanka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta xukuumadda.

Daa’uud Aweys Jaamac oo maanta si weyn u difaacay heshiiskan ayaa sheegay in warar aan jirin laga faafiyay heshiiskaasi, isaga oo xusay in uu lamid yahay heshiisyada Soomaaliya ay la gasho dalalka kale.

Arrinta ku saabsan heshiiska lala galay Imaaraadka wuxuu ahaa heshiis danaha qaranka loogu daneynayo. Majirto hal qodob oo muujinaya in wax loogu dhimayo madax-banaanida Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Waa heshiis dan u ah Soomaaliya, sidaas oo ay isla garteen wasiirada markii ay wada akhriyeen sidaas darteedna lo犀利士 o saxiixay loona gudbiyay baarlamaanka, si uu markaas u ansixiyo.”

Golaha Wasiirrada XFS ayaa habeen hore ansixiyay heshiiskan ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in lagu celiyey wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo ay horay u gaareen wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka

Leave a Reply