28″ Thursday “October” 2021″ Guriceel
Hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo ka jawaabeysa baahida dadka ka barakacay dagaaladii 4 maalin ee lasoo dhaafay ka socdaydegmada guriceel ayaa maanta gaarsisay deeq rashin oo iskugu jirta bur iyo bariis,waxaana deegaanada la gaarsiiyay ka mid ah:Fooleey, Saalax Dhadhaab, Dahir Fite, Ceel Baraf, Baraagta Tikaato, Godka Sheedeey, daameey, Xaarxaar.

Waxaana deeqdaan la gaarsiyay ilaa iyo dhowr degaaan oo hoos yimaada degmada guriceel oo ay ku qaxeen dadkaaan iskaga cararay dagaalada maalmahaan ka dhacayay halkaas.

Qoysaska ka faa’iideystay deeqdaan raashinka ah ayaa uga mahad celshay hey’adda Hormuud Salaam Foundation garab istaaga waxayna shegeen in ay xiligaan aad ugu baahnaayeen deeqdaan.

Mas’uuliyiin ka socday Shirkadda Hormuud ayaa sheegay in ay mar walba garab taagan yihiin dadkaan uu saameeyay dagaalka isla markaana sharaxay deeqdaan iyo waxa ay ka koobantahay

Ugu danbeyn Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasada dagmada gurceel Cabdishakur Indhaceel ayaa u mahd celiyay shirkada hormuud wuxuu ganacsatada kale ee wax heysta ugu baaqay inay dhinacooda ka qeyb qaataan u gargaarida dadka ay colaaduhu saameeyeen.
