Hirgalinta Heshiiskii Sadax Geesoodka DP World, Ethiopia Iyo Somaliland Ee Ku Aadanaa Saami Qaybsiga Dakada Barbara oo La Bilaabay !!

16″ March ” 2921

https://www.khaleejtimes.com/business/dp-world-berbera-receives-three-new-ship-to-shore-gantry-cranes

Wargeeyska Khaleejtimes.com ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlay In Shirkada DP World ay biloowday Hirgalinta Qorshihii Ethiopia Saamiga ka Siinayay Dakada Barbarab !!

Maamulka Somaliland ayaa soo dhaweeyay imaatinka sedex wiishash oo cusub oo markab-ilaa-xeeb ka shaqeeyn kara (STS), taas oo qayb ka ah mashruuca ay shirkada DP World ee laga leeyahay Emirate ka carabta ay ku horumarinayso dekada Berbera, si,loo fuliyo qorshihii Ethiopia ee saamiga ka siinayay maalgashiga Shirkada Dp world ay ku Sameeysanayso Dakada Barbara oo dhacda dhinca waqooyi dhulkii laysku Oran jiray jamuuriyada SOMALIA.

Emirate ka carabta oo horaantii todobaadkan wakiil u dhigma safiir u soo magacaabay Somaliland ayaa hadana hirgainta Qorshaha heshiiska Dp,world Somaliland iyo Ethiopia waxa uu ku soo beegay xili ay socoto dhagaysiga dacwada bada Somalia iyo Kenya,

Sababta markii hore dib loogu dhigay in la guda galo meel marinta qorshahan ayaa la xiriirinayaa in ay tahay Raysilwasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo raacdeeynayay helitaanka 4 dakadood oo Ethiopia in ay aalgashato u balan qaaday farmaajo iyada oo la qarinayo shirkada DP,world oo somalia labadeeda aqal isku raaceen in dalka ay ka baxdo.

Suhail Albanna, oo ah agaasimaha u qaabilsan shirkadda DP World Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yidhi: “Imaatinka wiishashka cusubi waa astaan ​​kale oo muhiim u ah horumarka iyo ballaadhinta Dekedda Berbera. Wiishashkan, marka lagu daro kuwii hore loogu rakibay, waxay sii wanaajin doonaan waxtarka hawl ee Dekedda Berbera oo waxay u beddelaysaa xarun casri ah oo heer caalami ah, iyada oo sii xoojinaysa iyada oo ah deked ganacsi oo weyn oo gobolka u adeegta Geeska Afrika

DP World waxaa ka go’an inay maal gashato illaa 442 milyan oo doolar si ay u ballaadhiso dekedda, markii la dhammaystirona waxay kordhin doontaa awoodda 500,000 oo TEUs sanadkiiba.

HALKAN GUJI SI,AAD U DHEEHATID HESHIISKII SADAXGEESOODKA ETHIOPIA, DP WORLD IYO SOMALILAND

https://english.aawsat.com//home/article/1191896/dp-world-signs-agreement-ethiopia-somalia-develop-port-berbera

Dawladda Soomaaliya ayaa diiday heshiiska ay kala saxeexdeen Itoobiya, Somaliland iyo shirkadda saadka ee Imaaraadka Carabta ee DP World.

Qoraal ay ku shaacineysay heshiiska ‘waxba kama jiraan’, dowladda waxay ku sheegtay in heshiiskaas uu xadgudub ku yahay midnimada Soomaaliya iyo dastuurka.

  • Horey warbaahinta Itoobiya waxay u tabisay helitaanka saamiga 19% ee Dekedda Berbera, iyagoo sheegay inay heshiis la gaareen maamulka dekedda Somaliland iyo shirkadda DP World. Heshiiska ayaa dhigaya in shirkadda DP World ay tahay saamilayda ugu badan ee leh 51% halka Somaliland ay qaadato inta soo hartay oo ah 30%. Dekedda Berbera waxay ku taalaa Somaliland oo caalamku u aqoonsan yahay inay tahay maamul-goboleed ka tirsan Soomaaliya. Itoobiya oo aan lahayn xeeb, waxay qorshaynaysaa inay maal gashato kaabayaasha dhaqaalaha si ay u horumariso Waddada Berbera Corridor oo ah marin ganacsi.

Leave a Reply