Wararka ka imanaya Tuulda hoos timaadda deegaanka Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in lix qof xalay lagu dilay halkaasi.
Sida wararku sheegayaan, dadka la dilay waxay ahaayeen Macliin dugsi Quraan.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdiraxman Kheyre, oo BBC la hadlay ayaa xaqiijiyay dilka 6-da qof. “Saaka aroortii hore waxay warbixin inagu soo gaartay in aagga Raage Ceelle lagu dilay dad shacab ah,” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in “5 qof oo ka mid ah dadka la dilay ay isla gobta ku dhinteen, qofka lixaadna uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.
Waxaa sidoo kale jira qof dhaawac ah oo xaaladdiisa weli lala tacaalayo.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeelle ayaa dhanka kale sheegay in baaritaano ay wadaan, laamaha ammaankana ay arrintan ku howlan yihiin.
“Weli waxaa socdo baaritaanka. Dadka la dilay iyo sababta loo dilay iyo cidda ka dambeysay, maamulka iyo ciidamada ammaanka ayaa arrintaas eegaya,” ayu yiri Mr Kheyre.
Cadale waa magaalo xeebeed
Mr Kheyre ayaa xusay in warar aan la xaqijin ay sheegayaan in dadka la laayay ay Quraan saarayeen qof xanuunsan.
Wasiir Maxamed Cabdiraxman Kheyre ayaa tilmaamay in mamulka Hirshabele ay halkaas u direen ciidamo iyo saraakiil baaritaan soo sameysa.
Dableyda hubeysan ee falkan geystay oo aan la garanayn heebtooda iyo sababta a dilka u geysteen waxaana la sheegayaa inay goobta ka baxsadeen.
Dadka deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa argagax ka muujiyay dhacdadanas.
Cali Saciid Sh Muxumed oo ay qaraabo ahaayeen raga la dilay islamrkaana ah xildhibaan ka tirsan baaralamaanka Hirshabelle ayaa arrinatni ku tilmaamay dhacdo fool xun, waxa uuna sheegay inuu tuhusan yahay inay arrinatni salka ku haysa aana qabiil.
Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Hir-shabeelle cali Guudlaawe Xuseen ayaa faray Taliyaasha Ciidanka iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe in ay ku baxaan dhacdo xanuun badan oo saaaka ka dhacday Gobolka Shabeellaha dhexe.
Cali Guudlaawe Xuseen oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa ku amray inay dadkii ka dambeeyay falkaas waxashnimada ah in gacanta lagu soo dhigo, si cadaaladda loo horkeeno, waxaana Madaxweyne kuxigeenka uu tacsi u diray eheladii iyo qoyskii ay ka geeriyoodeen dadkii saaka lagu dilay deegaan ka tirsan degmada Raage Ceelle.
Wararkii u dammbeeayay ayaa sheegaya in Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jen. Tareedishe iyo Taliyaha Qeybta Booliska Col. Xasan Dhicisow iyo Saraakiil kale ayaa ku baxay deegaankii dhibaatadu ka djacaday ee lagu dilay Macalimiinta.
Dhacdada oo ahayd mid aad u xanuun badan ayaa waxaa la sheegay in ay ahayd aano qabiil, iyadoo Culimada la laayay ay joogeen goob uu ka jiray Qur’aan saar, waxaana tirada Macalimiinta la dilay ay gaarysay shan macalin, balse tirada ayaa lix noqotay kadib markii mid ka mid macalimiinta uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.