Saturday ” 28″ Aug” 2021″ Beledwayne
– ka dib, kulamo saacadihii la soo dhaafay magaalada Beledweyne uga socday Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Saraakiisha qabsay qeybo kamid ah magaaladaasi ayaa lagu gaaray heshiis horudhac ah.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ciidamada gadoodsan laga saaro magaalada, isla markaasna ay dib ugu laabtaan xirooyinkii ay ka yimaadeen.
Kulamadan oo horudhac ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Gen Mukhtaar, odoyaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayay Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Roble, mas’uuliyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan.
Waxaana Lagu balamay Shirweyne kale oo lagu dhameeynayo tabashada reer Hiiraan ay ka qabaan maamulka Hirshabeelle, kaasi oo lagu qaban doono magaalada Beledwayne.
Ciidamadan ayaa ka horyimid in magaalada Beledwyne uu yimaado Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, taasi oo sababtay in ay habeenno ka hor la wareegaan qeybo kamid ay Beledwayne
Hirshabeelle iyo AMISOM oo ka wada hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab
:Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Ali Gudlawe Hussein oo howlo Shaqo u jooga Magalada Muqdisho ayaa galabta kulan la qaatay Wakiilka Midowga Africa u fadhiya Somaliya Ambasador Francisco Madeira.
Kulankaan uga hadlay Amniga Guud ee Deegaanada Hirshabeelle, la dagaalanka Argagaxisada iyo la isaga kaashan lahaa howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, Arrimaha Doorashooyinka dalka dhowaan dalka ka billaawday.
Sidoo kale, madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Fransisco Madera uga warbixiyay Saameeynta fatahaadaha maamulkiisa ku soo noqnoqday iyo doorka Midowga Afrika dhanka horumarinta