13″ February “2023”

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku eedeeyay dowladda Mareykanka in ay taageerto fallaagada Tigrayga intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay waqooyiga Itoobiya.
Wareysi uu Axaddii siiyay warbaahinta gudaha ayuu madaxweynuhu ku andacooday in heshiiskii nabadeed ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) uu Mareykanku ku dagdagay si looga hortago in fallaagada ay guuldarro ka soo gaarto goobta dagaalka.
Heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay Koonfur Afrika bishii Noofambar 2022 ayaa soo afjaray dagaal sokeeye oo socday laba sano oo ay ku dhinteen tobanaan kun, malaayiinna ay u baahdeen gargaar bini’aadantinimo.
Wareysiga, Mr Isaias waxa uu sidoo kale markii ugu horeysay qirtay in boqolaal kun oo qof ay ku dhinteen iskahorimaadka, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin khasaaraha Eritrea.
Todobaadki hore, hogaamiyahan ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Eritrea ay dambiyo dagaal k壯陽藥 a galeen dalka deriska la ah ee Itoobiya, halkaasoo la geeyay si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada federaalka iyo kuwa dowladda taageersan.