Xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulan uga socdaa Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ee Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo ku-xigeenkiisa C/weli Muudey.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulankaas uu yahay mid Albaabada u xiran yihiin, isla kaarkaana dhinacyada ay uga wada hadlayaan Arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka
Kulanka u dhexeeya Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa labaad Muudey ayaa waxaa la tilmaamay inuu la xiriiro sidii Madaxdii hore ee dalka ula kulmi lahaayeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoggaanka Madasha Xisbiyada ayaa dhowr jeer kulamo kala duwan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo kala hadlay Arrimaha Doorashada dalka iyo Arrimo kale.
Si kastaba kulanka u socda Hoggaanka Madasha Xisbiyada iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo maalmo kahor ay Xildhibaanada Golaha Shacabka kalsoonida kala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii dalka Xasan Cali Kheyre.