Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay

Siyaasi C/raxmaan C/ Shakuur ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Duqa Magaalada, Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, odayaal dhaqameedyo iyo bulshada magaalada.

Safarkiisa ayuu ku sheegay inuu yahay mid uu ugu kuur galayo xaalada magaalada iyo is bedelka maamul, iyadoo safarkiisa yahay kii u horreeyay, tan iyo dib u dhiskii Maamulka Galmudug oo si rasmi ugu shaqeyneysa Caasimadda Dhuusamareeb.
Waxaa la filayaa inuu safar dhinaca dhulka uu ku tago deegaano ka tirsan Galmudug, waxaana uu tagi doonaa illaa magaalada Garowe
