11″ June “2022” Muqdisho
Hooyo Qaali ayaa Fahad ku eedeysay in uu ka dambeeyay falka, haddii uu hayo caddeymo ahna uu la wadaagi lahaa muddo sannad ah oo ay la’yihiin.
Qaali oo sii hadlaysa ayaa tiri “Ra’iisul wasaaraha, Mahad Salaad, Al-cadaala iyo Mahad Karatey in uu eedeyo waa ku qaldan tahay, maanta markii Mahad Salaad loo dhiibay sidaasi leeyahay”.
Hooyo Qaali ayaa Fahad Yaasiin ka codsatay in uu gabadheeda u meel ku sheego, haddii ay nooshahayna uu u soo celiyo.
Hadalka Hooyada Ikraam ka soo yeeray ayaa ku soo aadaya xilli Agaasimihii hore ee NISA uu dilka gabadheeda Ikram ku eedeyay Ra’iisul wasaare Rooble, Agaasime Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Al-caddaala iyo Mahad Karatey oo ka tirsan Al-shabaab.