Al-shabaab ayaa xaqiijisay dilka mid ka mid ah hoggaamiyayaashooda ugu weyn
Madaxii madaxda maamulada gobolada ee Alshabaab Sheekh Maxamuud Mire Jaamac ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn cirka ah.
Alshabaab ayaa sheegay in Sheekh Maxamuud lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay geysteen Mareykanka taas oo ka dhacday duleedka deegaanka Kuunyo Barow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Sheekh Maxamuud Mire Jaamac ayaa ka mid ahaa madaxda sare ee Mareykanka ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaa go’aamada qorsheynsan ee kooxda iyo hoggaaminta arrimaha gudaha ioy la socoshada howlo badan ooay xarakadu qabato.
Sanadkii 2022-kii ayaa shan xubnood oo ku jiro Maxamed mire Mareykanka u uku daray liiska argagixisada caalamiga.
Cusbooneeysiin
Horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa gobollada ayaa maanta lagu dilay howl-gal gaar ah, sida ay goordhow shaacisay dowladda federaalka Soomaaliya.
Ninkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdiraxmaan) ayaa waxaa lagu khaarajiyay howl-gal gaar ah oo si weyn loo qorsheeyay oo ay iska kaashadeen ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Horjooge Abuu Cabdiraxmaan ayaa kamid ahaa horjoogeyaasha ugu sareeya kooxda Al-Shabaab ee 15-kii sano ee ugu dambeysay.
Ninkan ayaa horjooge kasoo noqday qaybaha ay u yaqaanan zakawaadka ee boobka iyo baadda shacabka iyo qaybta maleeshiyaadka kooxda oo uu soo hoggaamiyay.
Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo markaas si qasab ah ugu biirtay kooxda Al-Shabaab 2009-kii, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ayaa in muddo ah ku raad-joogay horjoogahaan iyo horjoogayaal kale oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo dowladda sheegtay in dhammaantood la haayo macluumaadkooda oo dhameystiran.
Tallaabadan ayey dowladda sheegtay inay qeyb ka tahay qorshaha dowladda Soomaaliya ee kooxda looga cirib-tirayo deegaannada ay ku hareen, sidoo kalana looga dulqaadayo dhibaatada ay ku hayaan bulshada Soomaaliyeed