Hormuud oo ka qaybgashay shir lagu lafa gurayay doorka Isgaarsiintu ay ka qaadan karto gurmadka iyo maareynta musiibooyinka

Masuuliyiin ka socda Shirkadda Hormuud ayaa ka qeybgalay shir ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah oo ay soo agaasintay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU iyo Ururka Caalamiga ah ee Isgaarsiinta Moobeelka ee GSMA.

Madaxa Teknoolajiyadda Shirkadda Eng. Maxamed Cabdi, Madaxa Injineeriyada Shirkadda Eng. Cabdiwaaxid Axmed, iyo Madaxa Xiriirka Hay’adaha Bani’aadannimada ee Shirkadda Axmed Maxamed ayaa ka qeybgalay shirkan oo lagu lafaguray kaalinta ay shirkadaha isgaarsiintu ka qaadan karaan gurmadka iyo maareynta musiibooyinka, si ay isgaarsiintu kaalin hoggaamineed uga qaadato in bulshadeenna loo gurmado xilliyada adag, loogana jawaabo xaaladaha degdegga ah.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo qeybgalay qaar ka mid ah Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka iyo horumarinta sida Bangiga Adduunka, IFRC, UNDP, iyo UNICEF.

Dhinaca kale

Wasiir Bashiir Goobe ayaa ka qeybgalay Taabagelinta Bandhigga Ganacstada Haweenka Soomaaliyeed ee 2024ta ooy soo agaasintay Salaam Somali Bank 🙏🙏

Salaam Somali Bank Waxaa mar waliba ka go’an inay garab istaagto kana qeyb qaato bandhigyadda nuucaan oo kale ah oo lagu dhiirigelinaayo ganacsatada soomaaliyeed, sidoo kalena bangiga wuxuu kaalin mug leh ka qaataa doowrka ganacsatada Haweenka Soomaaliyeed asagoo u sameyay maalgalino kala duwan