Hormuud Salaam Foundation ayaa ku guuleysatay billadda Taakuleynta Bulshada ee ee sanadka 2024 oo ay bixiso madasha Abaalmarinta Isgaarsiinta Adduunka oo ay soo agaasinto Hay’adda Total Telecom ee fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.
Munaasabada abaalmarinta oo aheyd Xaflad xalay ka dhacday magaalada London ayay #HSF ku muteysannay dadaallada ballaaran ee hay’adda samafalka ay u heeyso bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan taageeradeeda horumarinta waxbarashada, caafimaadka, gargaarka, iyo taakuleynta dadka danyarta ah.
Abaalmarintan oo loogu tartamay shirkadda ugu wanaagsan ee kaalmeysa bulshadeeda ayay uga guuleysatay #Hormuud shirkaddaha GSM Systems ee Mareykanka, Telia ee Norway, SK Telecom ee Kuuriyada Koonfureed, Telecom Egypt ee Masar, Moldcell ee Moldova, PLDT and Smart ee Filibiin, iyo Digicel ee dalka Jamaica.
Abaalmarintu waxay ku sii dhiirrigalineysaa Hormuud Telecom Iyo heyaddaha ka farcmay inay sii labajibaaraan samafalka iyo dadaalladda ay ku samatabixinayaan dadkeenna iyo dalkeenna.