Daawo: Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay carruur Soomaaliyeed oo qaba xannuunnada wadnaha

Heyadda Samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa safar caafimaad dalka Talyaaniga ugu dirtay carruur Soomaaliyeed oo qaba xannuunnada wadnaha, kuwaas oo daweyn iyo qalliimo caafimaad loogu soo sameynayo isbitaal ku yaala Magaalada Milano ee Talyaaniga 🙏

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, iyo Agaasimaha Isbitaalka Welcare ayaa maanta sagootiyay 4 carruur ah iyo waalidiintooda, waxaana qorsheynaynaa in aan bishaan dirno 15 cunug ah oo qeyb ka ah 119 carruur ah oo ka duleela wadnaha, waxna looga qaban waayay isbitaallada Dalka.

Dowladda Hoose ee Gobolka Lombardia ee Dalka Talyaaniga ayaa bixinaysa kharashaadka caafimaadka, halka hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay bixinayso kharashaadka safarka, sahayda, iyo nolosha carruurta iyo waalidiintoodaa犀利士 inta ay joogaan Talyaanigaa.

Waxaana u mahadcelinaynaa marwo Adna Macallin Cabdiraxmaan oo isu xilqaantay hirgelinta mashruucan miradhalay oo horay loogu soo daweeyay carruur qabta xanuunnada wadnaha, dowladda Talyaaniga oo bixiso kharashaadka caafimaadka, isbitaalka Welcare oo u taagan daryeelka iyo ka warqabka caafimaadka carruurtan, iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Eebbe carruurtan ha i noo caafiyo.