Hormuud Salaam Foundation oo dib u dajin ku sameeyneysa qoysas banaanyaal ku ahaa daafaha Muqdisho.

Heyadda #HSF oo ka mida faracyada Shirkadd Hormuud Telecom ayaa ku dhawaaqday in 10,000 (Toban kun) oo qoys oo barakacayaal ah ay siineyso dhul ay degaan, Islamarkaana ay u dhiseeyso

Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka qeybgalay Shir ay soo agaasimeen Qaramada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya oo xal waara loogu raadinayo barakacayaasha Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegey in Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay barakacaasha ugu deeqayso dhul 10,000 oo qoys dib-u-dajin looga sameeyo duleedka Muqdisho.

Shirkan ayaa lagu go’aamiyay in la bilaabo qorshaha dib u dejinta loogu sameynayo barakacayaasha Soomaaliya, iyadoo la abuuray iskaashi ay ku mideysan yihiin dowladda Soomaaliya, Hormuud Salaam Fondution, Qaramada Midoobey iyo deeq bixiyaasha caalamiga ah.

Tallaabadan aaan nooceeda horey loo arag ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee hay’addu ka qaadaneyso samatabixinta iyo horumarinta dadka danyarta ah.