Hormuud Salaam foundation oo Lacag $200,000 (Laba boqol oo Kun Dollar Ah Ugu Deeqday Dadkii Laga Soo Barakiciyay Magaalada Laascaanood .

Monday 11″ ” October ” 2021 Muqdisho


Hormuud Salaam Foundation oo u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta bulshada shirkadda Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank, ayaa maanta ugu deeqday $200,000 (laba boqol kun dollar) dadkii dhawaantaan laga soo barakiciyey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool,

Munaasabad deeqdaas lagu shaacinayey ayaa maanta lagu qabtay xarunta Hormuud Salaam Foundation ee magaalada Muqdisho. Gudoomiyaha Hormuud Telecom, mudane Ahmed Mohamud Yuusuf, ayaa sheegey in deeqdaan aay tahay wejigii ugu horeeyey oo aay ku caawinayaan dadkaas lasoo barakiciyey

,wuxuuna uga tacsiyeeyey dhibaatada soo gaartey dadkaa iyaga ah. Gudoomiyaha Hormuud Telecom, ayaa faray Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, inuu ka shaqeeyo in lacagtaas gargaarka ah si deg deg loo gaarsiiyo, dadkaas lasoo barakiciyey.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, oo asigana goobta ka hadlay, ayaa balan qaaday in lacagtaas gargaarka iyo gurmadka ah aay sida ugu dhaqasaha badan u gaarsiin doonaan, qoysaskaas lasoo barakiciyey ee aay dhibaatada kasoo gaartey barakicintaas lagula kacay.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, ayaa u rajeeyey qoysaskaas in ilaaheey uu u barakeeyo lacagtaas gargaarka ah ee ka timid Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank.

Leave a Reply