Masuuliyiin ka socda shirkadda Hormuud Telecom ayaa ka qeybgalaya Madasha Aragti-Wadaagga ee Machadka Heritage oo sanadkii 8ᵃᵃᵈ maanta ka furmay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Masuuliyiin uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ayaa ka hadlay biloowgii furitaanka shirkan oo lagu wado in sanadkan diiradda lagu saaro Xoojinta Xasilloonida Gobolka.
Waxaa madasha lagu soo bandhigay cilmibaarisyo, doodo cilmiyeysan, iyo hadal-jeedinno lagu lafagurayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, xiriirka, xasilloonida, iyo dhaqaalaha Geeska Afrika.