Hormuud Telecom ayaa qaadaay go’an ku aadan horumarinta iyo dib-u-soo-nooleynta wax-soo-saarka gudaha Soomaaliya

3-October-2023

HormuudTelecom 🌱Waxay u dhaqaaqeysaa inay xoogga saarto doorka teknoolojiyadda in uu ka caawiyo Somalia horumarinta hababka wax soo saarka Dalkeena🙏

Shirkadda weeyn ee Isgaarsiinta Somalia ee Hormuud Telecom ayaa qaadeysa Talaabo lagu dhiirigalinayo wax soo saarka dalka marka laysugu yimaado kulan ay shirkaddu qabanqaabisay oo dhici doona dabayaaqada October

Dalkeenu waxa uu leeyahay khayraad cajiib ah oo kobac dhaqaale ah Iyadoo Go,aan Hormuud Telecom uu yahay horumarinta iyo dib-u-soo-nooleynta wax-soo-saarka gudaha Soomaaliya xili ay jiraan duruufo adag oo hor istaagay wax soo saarka iyo quudinta bulshadeena

Shirka ayay Hormuud Telecom oo waalid u ah shows shirkadood ku sheegtay in lagu iftiiminayo muuqaalka wax-soo-saarka iyo dhaqaalaha gudaha ee Soomaaliya, iyadoo siinaysa faham dhammaystiran oo ku saabsan fursadaha baaxadda leh ee horyaala ganacsatada iyo iskaashatooyinka Iyadoo gacan ka geesaneysa xalalka caqabadaha jira iyo kuwa suurtagalka ah ee soo baxi kara

Somalia ayaa leh dhul-beereed dhan 8.9 milyan oo hektar, oo ka mid ah xeebaha ugu dheer Afrika, isla markaana leh xoolo dhaqato ah oo ka qayb qaata ku dhawaad ​​80% dakhliga soo gala lacagta qalaad inkastoo burburkii dowladdii dhexe uu si weyn u saameeyay wax-soo-saarka gudaha dalkeena.

Leave a Reply