18″ October “2022 Webmaster Dheeho.com
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo u dabaaldegeysa sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay ayaa ku maamuyseeysa munaasabadeeda abaalmarino kala duwan
Hormuud Telecom waxay abaalmarino kala duwan ka heshay dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibada
Dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibada ayaa abaalmarino kala duwan gudoonsiiyay shirkada Hormuud Telecom kuwaas oo tixgaliayay ka sokoow hufnaata ganacsi kaalintii ay shirkadu ka qaadatay hoos u dhigista halistii dhimasho ee afada COVID-19 Abaaraha Iyo Macluusha cuno yaraan ee dalka ku dhuftay iyadoo sameysay hayadd samafal oo shirkadu ay garab taagan tahay lana yiraahdo ( HORMUUD SALAM FOUNDATION ) taas oo iyana u guntataty gargaarka dadka soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinku la soo darseen
Shirkadda Hormuud Telecom waxay soomaaliya ku soo korortay xilliyo ay ka jireen xasillooni darro, dagaal iyo sharci la’aan oo dalka soomaaliya uu go,odoon ka yahay calamka, markaas ooy biloowday in ay xoojiso isgaarsiinta Soomaaliya, horumarinta ganacsiga iyo tignoolajiyada iyada oo shaqo u abuurtay kumanaan somalia
Hormuud Telecom & Kaalinta Horumarinta Bulshadab
Maanta kaalinta horumarinta bulshada iyo sida ay ugu heelan tahay Hormuud Telecom waxaad ka dheehan kartaa hirgalinta Hormuud University oo ah jaamacad isu keentay ardaydii ugu rajada wanaagsanayd ee qiimeeya aqoontana si, ay u helaan xirfad, u horseeda nolol mabda’ leh, isla markaana door hoggaamineed ka qaata xallinta dhibaatooyinka waaweyn ee bulshada