Shirkadda Hormuud Telecom oo Heshay Abaalmarino Kala Duwan


Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252

Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46

Thursday “11” November “2021” MUQDISHO

Shirkada Hormuud Telecom ayaa abaalmarino kala duwan ka heshay dadka soomaaliyeed ee Ku nool dalka iyo dibada ,kuwaas oo tixgaliayay ka sokoow hufnaata ganacsi ,kaalintii ay shirkadu ka qaadatay hoos u dhigista halistii dhimasho ee afada COVID-19 ,Abaaro Iyo Macluul cuno yaraan ah oo dalka Ku dhuftay

Shirkada Hormuud ayaa sameysay hayadd samaf oo shirkadu garab taagan tahay lana yiraahdo ( HORMUUD SALAM FOUNDATION ) taas oo iyana u guntataty gargaarka dadka soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinku la soo darsaan

XAYEEYSIIN

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo ay ka qeyb galeen qaabisay Hey’adda abaal marinta ganacsiyada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaanno, Sanatarro,

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Madaxda Rungta Ganacsiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa shirkadda Hormuud Telecom lagu guddoonsiiyey abaal marinno kala duwan.

Guddoomiyaha Hey’adda abaal marinta ganacsiyada Soomaaliyeed (Somali Business Award) Ridwaan Yuusuf Xaaji oo soo qaban qaabisay abaalmarinnadaan ayaa sheegay in shirkadaha guuleystay ku muteysteen cod bixin laga ku dhacday hab electronic ah oo ay ka qeyb qaateen dad ku dhow 500,000 oo Soomaali ah kuwaas oo ku kala nool dunida dacalladeeda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay munaasabadda ayaa ku dhawaaqay in shirkadda hormuud ay sanadka 2021 ku guuleysatay shirkadda ugu fiican isgaarta.

Dhanka kale waxaa isla munaasabaddaan shirkadda Hormuud lagu guddoonsiiyey Billadda Shirkadda ugu fiican Gargaarka & ka qeyb qaadashada horumarinta bulshada.

Hey’adda ayaa sheegtay in Shirkadda ay abaal gudkaan ku muteysatay kaalintii ay ka geysatay latacaalidda Caabuqa Covid-19 oo isugu jiray lacago Cash ah, haamaha oksajiinta, Dhismo Isbitaallo & xarumo kale oo caafimaad taasoo wax weyn ka tartay ka hortagga cudurkaas, iyadoo shirkadda Hormuud ay markii ugu horreysay Dalka ka hir gelisay warshad Oxygen-ta soo saarta, si xal loogu helo baahida Oxygen la‘aanta ee ka jirta Dalka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo biladda Sharaftan guddoonsiiyey shirkadda Hormuud ayaa sharraxay qaar ka mid waxyaabihii ay ku muteysatay billadaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadira ayaa shirkadaha la abaal mariyey ku bogaadiyey adeegyada hufan oo ay bulshada u hayaan.

SIDOO KALE

Shirkadda Hormuud Telecom waxaa shahaado sharaf ay ku muteysatay wax qabadkeeda baaxada weyn ee dhanka arrimaha bulshada.gudoonsiiyay Jaaliyada soomaaliyeed eedegan dalka UK

Kuwaas oo ku tilmaamay shirkadda hormuud Telecom Abaalmarintaan In at u qalanto mid ka weeyn maadama tan iyo intii dalku burbursanaa ay shirkaddu u khidmeyneysay dadkeeda.

Waxayna Hoggaanka shirkadda oo uu ka mid yahay gudoomiye Abdallah II Grande iyo teamka Hormuud oo abaalmatintaan gudoomay waxaan leenahay shirkadda hambalyo adeegga muuqda ee bulshada aad u heysaana halkaas kasii wada.Guuleysta

Leave a Reply