10- August-2023- Muqdisho


Shirkadda Hormuud Telecom Si ay kaalin mug leh uga qaadato xal-u-helista jaamka Caasimadda, ayay Raanaboodyo ka hirgelisay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.
Hormuud Telecom oo ah waalidka dhowr shirkadood ooy ku jiraan Buruuj Taaj , Salaam Somali Ban Iyo Hormuud Foundation ayaa Raanaboodyadan ka dhistay isgoysyada halbowlayaasha u ah isu socoda gaadiidka iyo isku xirka degmooyinka Caasimadda Somalia
Raanaboodyadaan oo fududeeyay nidaaminta gaadiidka ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaatay yareynta jaamkii ka jiray Magaalada #Muqdisho.
