20- November-2023
Masuuliyiin ka tirsan Hormuud Telecom ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Singapore Fintech Festival
Masuuliyiin ka tirsan Hormuud Telecom ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Singapore Fintech Festival oo martigeliyay dad ka badan 62,000 oo ka kala socda shirkadaha teknoolajiyadda iyo maaliyadda ee ugu waaweyn caalamka sida Microsoft, Meta, Amazon, Mastercard, VISA Card, iyo madaxda Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagaha ee IMF.
Shirkan oo sanadii 8-aad ka dhacaya dalka Singapore ayaa sannadkaan lagu faaqiday kaalinta adeegsiga garaadka macmalka ah ee (Artificial Intelligence) uu 10ka sanno ee soo socota uu ku yeelan doono qaabeynta adeegyada maaliyadda, fududeynta isdhaafsiga lacagaha, iyo ilaalinta shuruucda maaliyaddeed ee caalamka
Shirkadda Hormuud Telecom oo waalid u ah adeegyo maaliyadeed ooy ka mid yihiin #SalaamaSomaliBank #Taaj , #Evc , #Waafi & #Deeqtoon ayaa Waxaa mar kasta ka go’an horumarinta adeegyada isgaarsiinta iyo maaliyadda dalkeenna, Si, ka qeybqaadashada dadaallada dunidu ugu jirto horumarinta isgaarsiita iyo teknoolajiyadda, ay Soomaaliya ula jaanqaaddo