Hormuud Telecom, oo la aasaasay 2002, waa shirkad isgaarsiineed oo Soomaali ah oo horseed u ah wadista dhaqaalaha aan lacagta lahayn ee Soomaaliya
Waqtigan xaadirka ah in kabadan 67% Soomaalida, gaar ahaan bulshada ugu nugul, waxay u isticmaalaan tikniyoolajiyadda lacagta moobilka nidaam kaliya oo lacag lagu bixiyo.
Haddii tani ay joogsato, dadweynaha oo dhan ma awoodi doonaan inay iibsadaan waxyaabaha daruuriga u ah – cuntada, inay iska bixiyaan daaweynta cisbitaalka iyo waxbarashada carruurtooda. Si,taasi aysan u dhicin ayay Hormuud telecom waxa ay dadaal hal,abuurkiisu miro dhal noqday oo ah Adeega EVC
Astaamaha soo nooleeynta rajda ayaa waxaa qayb ka noqday ku dhax,ganacsiga duruufaha adag
U adkaysiga ku shaqeynta jawiga ganacsiga adag ee firfircoon ee ay Soomaaliya soo bandhigeyso.
Go’aaminta in la bixiyo adeegyada ugu macquulsan ee bulshada la hayb sooco iyo kuwa nugul ee ku nool gudaha Soomaaliya, gaar ahaan markaan ka soo kabaneyno dagaal sokeeye oo dheer.
Khaladka ugu weyn ee laga aaminsan yahay dalka ayaa ah in Soomaaliya ay tahay waddan dagaallo ka socdaan, si isdaba joog ahna ugu jira xaalad colaadeed oo ka shaqaynta waddanka ay tahay wax aan macquul ahayn. Hormuud iyo shirkadaha isgaarsiinta ee Soomaaliya waa qaar ka mid ah shirkadaha ugu hal-abuurka badan Afrika, iyagoo gacan ka geysanaya kobaca dhaqsiyaha badan ee soo dhaqaalaha soo koraya.
LA,SOCO TALAADDA DANBE QAYBTA LABAAD