9″ September “2022”
Qeybta ugu sareysa kubada cagta Ingariiska ayaa sheegaysa in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu maamuuso boqoradii hore ee geeriyooday ‘noloshii aan caadiga ahayn iyo wax ku biirinta qaranka’.
Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay wareegiisii xigay ee ciyaaraha kubbadda cagta kadib markii ay dhaaftay boqorada Ingiriiska Queen Elizabeth II.
“Si loo ixtiraamo nolosheeda aan caadiga ahayn iyo wax ku biirinta qaranka, iyo xushmad ahaan, ciyaaraha Premier League ee usbuucan dib ayaa loo dhigi doonaa, oo ay ku jiraan ciyaarta fiidnimada Isniinta,” waaxda sare ee kubada cagta England ayaa bayaan ku sheegtay.
Premier League ayaa intaa ku daray in ay bixin doonto warar dheeraad ah oo ku saabsan kulamada soo socda inta lagu jiro xilliga baroor diiqadda “xilliga ku habboon
Horaantii, dawladda Ingiriiska waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday bilawga xilliga baroor-diiqda qaran waxayna daabacday “hagidda baroor-dii犀利士 qda qaran”.
Waxay sheegtay, si kastaba ha ahaatee, in aysan jirin wax waajib ah in la joojiyo ama dib loo dhigo dhacdooyinka iyo ciyaaraha isboortiga ama la xiro goobaha madadaalada inta lagu jiro waqtigan, iyada oo intaa ku dartay in ay go’aan ku tahay ururo gaar ah.
Kooxda reer London ee Arsenal ayaa hogaanka Premier League ku hogaamineysa 15 dhibcood, kadib lixdii kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka