Howlgal ka dhacay Puntland oo lagu soo qabtay Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta

3-June-2024″ Howlgal ka dhacay Puntland oo lagu soo qabtay Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta

Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF oo magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal lagu xoojinayo amniga magaalada ayaa soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa raad-raaca tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in Khawaarijta Daacish ay u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka.

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka guracan ee Khawaarijta, waxaana ku socda baaritaan.