Howlgal qorsheysan oo lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta gobolka galgaduud

25- January-2024

Xarun lagu diyaariyo qaraxyada iyo iddaacad ku hadasha afka argagixisada Alshabaab ayaa lagu burburiyay howlagal qorshaysan ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Maraykanka oo iskaashanaya ay ka fuliyeen deegaanka Galhareeri oo dhaca gobolka bartamaha Somalia Dheeho News Every Day

Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Galhareeri oo ah xarunta ugu weyn ee Khawaarijtu ku leedahay Gobollada Dhexe ayaa lagu dilay 30 ka mid ah Khawaarijta oo isugu jiray Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal ay ka mid ahaayeen xubno Ajaanib ah halka dhaawacu uu yahay ilaa 20 kale. 

Goobaha lagu bartilmaameedsaday hawlgalkan waxaa ka mid ahaa xarunta Idaacadda Andulus, xarun lagu farsameyo Qaraxyada, xarunta maaliyadda ee degmada Galhareeri, guri ay daganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta gaar ahaan kuwa sameeya Filimada ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib, guri uu deganaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo guryo ay ku shiri jireen Jabhadaha Khawaarijta.