Howlgalada ka dhanka argagixisada shabaab ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waxa uu leeyahay taxadar ilaalinaya dadka rayidk

12″ March “2023

Maraykanka oo ka hadlay sida duqeeymaha diyaaradaha aan duliyaha lahay ee howlgalka ka dhanka argagixisada shabaab uu u yahay mid ka taxadaraya dhibaato soo gaarta dadka rayidka

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyay in dhowr jeer uu dowladda Federaalka ah Ciidamadeeda ka diiday fulinta weerarro ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn sabab la xiriirta dhimashada dadka rayidka ah darted.

Howlgalada ka dhanka argagixisada shabaab ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku uu ku taageerayo Somalia waxa uu leeyahay ilaalin iyo taxadar ku aadan khasaaraha soo gaari kara dadka rayidka ah , Sarkaal ka tirsan Taliska Ciidamada Africom ayaa sidaas u sheegay NBC Dheeho.com

Hal weerar oo si qaldan u dhaca ayaa guul darro noogu filan annaga iyo bah wadaagteenna,hal weerar oo si sax ah u dhaca ayaana guul noogu filan” ayu yiri sarkaalka wareysiga gaarka ah bixiyay.

Waxaa uu sheegay in Saraakiisha Dowladda ee hoggaaminaya gulufka ka dhanka ah shabaab, ay dhowr jeer dalbadeen weerarrada Diyaaradaha Drones-ka laakiin ay ka gaabsadeen sababo la xiriira khasaaraha dadka rayidka ah soo gaaraya.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi siiyay TV-ga Al Jazeera waxaa uu sheegay in 8 bilood ee ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab gaar ahaana duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn aysan ka dhalan wax khasaare dadweyne ah taasna ay qeyb ka tahay guulaha laga gaaray dagaalka.

https://twitter.com/BoodhariFarah/statu犀利士 s/1634933064815243264?t=Nj39TEWUakqlOgHkLx4WMA&s=19

Leave a Reply