Howlgalka ATMIS oo ka shiray Amniga Doorashada Madaxweynaha

15″ April “2022” Muqdisho

Kulan ay isugu yimaadeen Talyeyaasha Howlgalka ATMIS  ee badalay AMISOM ayaa waxaa looga hadlay sugida Amniga Doorashooyinka gaar ahaa mida Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoonka labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Talyeyaasha Howgalka ATMIS oo kulan ku yeeshay Xirada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa iska xogwareystay xaaladda guud ee howlgalka oo horraantii bishaan April bilaawday, kaasi oo lagu badalay howlgalkii socday 15 sano ee la soo dhaafay ee AMISOM.

Taliye ku xigeenka ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya Col David Opera, oo isagu guddoomiyay kulanka ay yeesheen Saraakiisha ATMIS ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen sugida Amniga Doorashooyinka oo heer gabo gabo ah maraya.

Sidoo kale Col David Opera ayaa la wareegay xafiiska taliska diyaaradaha Dagaalka Howlgalka A壯陽藥 TMIS, xill howlgalka ATMIS uu billaabay Isbadal uu ku sameyanyo Talyeyaashii hore ee AMISOM.

Howlgalka ATMIS iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qorshaynaya in doorashada kadib ay billaabaan howlgallo wadajir ah oo Alshabaab looga xorraynayo deegaannada ay gacanta ku hayaan.