Friday ” 28″ January “2022”
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay billaawday qorsheyaal looga hortagayo khasaaraha shacabka ka soo gaara howlgallada ay ka fuliyeen wadamada dibadda oo ay ku jirto Soomaaliya.
犀利士 4b-ac23-4ac5-b7a0-3c7ab69c5577″>Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa qiray in ay jiraan is-faham darro iyo ka baaraan dagid la’aan ka timaada fulinta howl-gallada, kuwaasi oo laga yaabo In ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah gaaraan dad rayid ah.
Wasiirka Ciidamada Mareykanka kula dardaarmay in ay muujiyaan feegnaad dheeraad ah oo ku aadan fulinta howl-gallada.
Qoraal la siiyay saraakiisha ugu sareysa Waaxda Difaaca, lagu sheegay in xilligan loo baahan yahay “Waa in aan billaawna isbadal cusub oo aanu wax uga qabaneyno ugana jawaabeyno waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah ee howl-galladeena”.
Goobaha ay ka dhaceen howl-gallada Mareykanka ee lagu waxyeeleeyay shacabka ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya oo tobbonaan shacab ah lagu dilay duqeymo ay Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen goobaha lagu tuhmayo dagaalameyaasha Al-shabaab.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa wada daraasado ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa doorka wasaaradda ee la socoshada howl-gallada ka dhacaaya wadamada kale iyo tallooyinka ku habboon.
Mareykanka ayaa oggaaday in Wasaaradda Difaaca aanan si ah lo oggeysiin warbixinada waafiga ee howl-gallada iyo natiijada soo gaarta dadka rayidka ee ku sugan sida wadamada Soomaaliya, Siiriya, Bakistan iyo Afghanistan.
Daraasadihii ugu dambeeyay waxaa ka mid ah warbixin ka kooban 110 bog oo ay soo saartay Shirkadda RAND. Warbixintaas, oo uu wakiishay Congress-ka Mareykanka sanadka 2020 lana soo gebagebeeyey ku dhawaad sanad ka hor, ayaa lagu oggaaday is-khilaafsanaan baahsan oo ka jirta siyaasadda militariga iyo baaritaanka waxyeelada rayidka ka soo gaara howl-gallada.