Howlgallo Ballaaran oo Laga Sameeyey Maamulka Galmudug

Ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug oo isugu jira Booliis iyo Milatari ayaa Howlgalo balaaran ka sameeyey qaybo ka mid ah maamulkaasi Galmudug.

Ciidanka ayaa howlgallada waxaa ay sameeyeen degmooyin iyo degaanno ka tirsan Galmudug, waxaana si gaar ah ay howlgaladda uga sameeyeen Tuulooyin hoostaga Dhuusamareeb oo ah caasimadda Maamulka iyo Ilix, Booda-dheere, Labidule, Sina-dhaqo

Saraakiisha Ciidanka horkacaya ayaa waxaa ay sheegen in howlgalkoodu uu ku aaddanaa sidii ay degaanadaas uga saari lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay sheegen in ay ku tuhmayaan degaanadaas ay howlgalka ka sameeyeen, waxaana intaas ay ku dareen in dadka degaankaas ay Al-shaabab dhibaato ku hayaan.

Howlgalada oo ahaa kuwa saacado qaatay ayaa waxaa Hor kacayey Taliyaasha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Sareeye Guuto Bishaar Abshir Geedi iyo Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed Warsame.

Inta ay howlgalka wadeen Ciidanku wax dagaal ah ma dhicin sida dadka degaanku ay sheegayaan, waxaana sidoo kale saraakiisha Ciidanku ay sheegen in degaanadaas ay  Al-shabaab isaga bexeen xilli hore

Leave a Reply