Howlgallo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay Baay iyo GEDO

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Gedo. Ciidamada, oo ka hawlgalay dhowr jiho, ayaa sheegay in ay fuliyeen weerarro qorsheysan oo lagu beegsaday goobo muhiim u ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, halkaas oo la aaminsan yahay in ay ku dhuumaalaysanayeen.

Howlgalkan, oo ay hoggaaminayaan saraakiisha sare ee CXDS, ayaa qeyb ka ah dadaallo joogto ah oo la doonayo in looga sifeeyo Al-Shabaab deegaannada ay weli ku sugnaayeen ee gobolladan.

Taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee CXDS, L/X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhagey), ayaa warbaahinta la wadaagay in howlgalladu yihiin kuwo si xeel dheer loo qorsheeyay oo looga gol leeyahay in Al-Shabaab lagaga xoreeyo guud ahaan deegaannada ay ku sugan yihiin.

Taliyuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in ciidanku ku guuleystay burburinta xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ay ka abaabulayeen weerarrada ay ku qaadaan shacabka iyo ciidanka.

Warar ku saabsan howlgalka ayaa tibaaxaya in ciidanku si gaar ah u beegsadeen xarumo muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku dhuumaaleysanayeen. “Howlgalladu waxay sii socon doonaan illaa iyo inta aan ku hubinno in Al-Shabaab laga sifeeyay dhammaan goobaha ay ku dhuumanayaan,” ayuu yiri Taliye Axmed Dhagey, isaga oo intaa raaciyay in ciidanku ay ku dadaalayaan badbaadinta dadka shacabka ah iyo ilaalinta amniga guud.

Ciidamada CXDS oo kaashanaya bulshada deegaanka iyo ciidamo ka tirsan Daraawiishta heer gobol ayaa haatan si buuxda ula wareegay deegaano muhiim ah oo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen, iyagoo ka go’an in ay sii wadaan dagaalka illaa laga xaqiijinayo in Al-Shabaab laga cirib tiro gobolladaas.