Guddoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa ka qeybgalay shir looga hadlayay kobaca ganacsiga dalka iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta ganacsigu ku leeyahay dib-u-dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo taageerada bulshada, loona dhiirrigelin lahaa iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha caalamiga ah iyo ganacsatada Soomaaliyeed.
Shirkan oo ay soo agaasimeen Hay’adda UNDP, Hormuud Telecom Salaam Somali Bank iyo Shirkadda SignJet, ayaa Guddoomiye Cabdullaahi waxa uu ka jeediyay kalimad uu uga hadlay kaalinta hoggaamineed ee hay’adda samafalka Hormuud Salaam Foundation ka qaadatay waxbarashada, caafimaadka, gurmadka bini’aadamnimada, iyo doorka ay Shirkadda Hormuud ka ciyaartay kobcinta dhaqaalaha dalka, shaqo-abuurka, iyo horumarinta isgaarsiinta, teknoolojiyadda iyo maaliyadda Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdullaahi ayaa madaxda hay’adaha caalamiga ah iyo shirkadaha shirka ka soo qeybgalay waxa uu ku boorriyay in ay iska kaashadaan sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha horyaalla ganacsiyada dalka, oo lafdhabar u ah horumarka iyo dhaqaalaha Soomaaliya.