Hub ay putland ka soo iibsatay Itoobiya oo soo gaaray magaalada garoowe

Hub ay putland ka soo iibsatay Itoobiya ooy galbinayaan ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo gaaray magaalada garoowe, waa hubkii labaad ee Itoobiya ku soo daabusho gudaha Soomaaliya tan iyo markii uu cirka isku shareeray xiisada u dhexeeysa Somalia Iyo Itoobiya

Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaasayn xooggan laga maqlay gudaha degmada Bookh kadib markii mileeshiyaadka hubaysan isku dayeen in ay furtaan gaadiidkii hubka saarna ee u siday dhinaca Puntland.

Waxaase si adag hubkaasi u difaacay ciidamo ka tirsan dowlad deegaanka DDS, kuwaasi oo aroornimadii hore ee saaka ku wareejiyay ciidamada dowladda Puntland oo soo galbiyay islamarkaana si nabad ah ku keenay.

Itoobiya ayaa muddooyinkan dambe kordhisay hubka dhankeeda ka soo gudbaya ee soo galaya gudaha Soomaaliya, xilli ay labada dal ka dhaxeyso xiisad xooggan oo salka ku haysa is-afgaradkii uu Abiy Axmed la saxiixday Muuse Biixi.

Horay waxaa loo ogaa in deegaanno ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug ay hub sidan oo uga soo gudbay xadka Itoobiya lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq, kaas oo halis hor leh abuuray.

Si kastaba, weli majirto war kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ayadu masuul ka ah dalka iyo dowlad-goboleedka Puntland oo la sheegay in hubkaan uu kasoo iibsaday dowladda Itoobiya.