29- March-2024
Xubnaha labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay berri oo Sabti ah u codeeyaan wax ka bedelka Dastuurka Soomaaliya.
Wax ka bedelka dastuurta ayaa waxaa ka soo horjeestay Madaxweynayaal iyo Ra’isul Wasaarayaal hore, oo ay ka mid yihiin, Maxamed Cabdullahi Faramaajo, Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Cali Kheyre. Waxaa ka kaloo ka soo horjeestay siyaasiyiin, xildhibaano iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.
Dhinaca kale, Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa war qoraal ah oo ay maanta soo saartay Baarlamanka Soomaaliya ku boorisay in aanay u code犀利士 yn – sida ay hadalka u dhigtay dastuur wiiqaya xuquuqda Caruurta.