Idris Elba: “Sabrina Dhowre farxad gaar ah ayay i siisay, aad ayaana u jeclahay”

29″‘July 2021″

Lamaanaha Idris Elba iyo Sabrina Dhowre ayaa sheegay in xiriirkooda uu aad u wanaagsan yahay oo guurkooda uu ku salaysan yahay jaceyl iyo isfahan.

Waraysi ay lamaanaha dhawaan siiyeen warbaahinta E! ee dalka Maraykanka, ayaa waxa ay ku sheegeen in ay ku faraxsan yihiin noolasooda, ayna doonaayaan in sanado badan ay sii wada joogaan.

“Horay waxaan u sheegay in aan guur dambe la iga maqli doonin, kadibna waxaan la kulmay Sabrina oo waxaan ku heshiinay in aan is guursano. Dad badan ayaa ila yaabay oo i weydiiyay waxa iska bedalay go’aankeygii hore.”

Sabrina ayaa dhankeeda sheegtay inay ku faraxsan tahay seygeeda Idris Elba, isla markaana ay doonayso in ay sanado badan noolasha qeybsadaan

“Sabrina waa qof aad u naxariis badan, oo xaaladdeyda si wanaagsan ula socota. Waana midda aan ku jeclahay. Sidoo kale waa qof daacad ah oo ay isugu keen baxdo,” ayuu yiri Elba.

Idiris iyo Sabrina Dhowre

Idris Elba ayaa Sabrina sanadkii 2017 ku bartay baar ku yaal magaalada Vancouver ee dalka Canada, kadibna waxaa dhexmaray xiriir jaceyl oo muddo socday.

Waxa ay April 2019 ku aqal-galeen magaalada qadiimiga ah ee Marrakesh oo ku taal dalka Morocco.

Jilaa caan ah oo la aqal galay gabar Soomaaliyeed

Waa kuma Jilaaga caanka ah ee guursaday gabadha Soomaaliyeed?

Sabrina Dhowre oo fayraska corona laga helay ayaa tiri “Ma Dooneyn inaan ka tago Idris”

Xiriirka qoyska Sabrina

Sabrina oo gabar Soomaali-Canadian ah ayaa sheegtay in markii ay qoyskeeda u bandhigtay xiriirka ay la leedahay Idris ay soo dhaweeyeen.

“Dhab ahaantii hooyadey si wanaagsan ayay isu fahmaan Idris, aad ayeyna u jeceshahay,” ayay sheegtay gabadhan xayaysiinta ku shaqeysata.

Waxa ay sheegtay in aysan dhegaysan dad badan oo si khaldan uga hadlay guurkeeda, iyagoo ku salaynayo diin iyo dhaqan.

Mar la weydiiyay in ay doonayaan carruur, ayaa Sabrina waxa ay ku jawaabtay inay ku talo-jiraan arrinkaas.

Waa kuma Idris Elba?

Idris wuxuu caan ku yahay jilidda filimada, DJ iyo qaadidda heesaha raabka.

Idris Akuna Elba wuxuu guursaday seddex jeer:

1) Xaaskii ugu horreysay waxay ahayd Kim Norgaard wuxuuna qabay 1999 ilaa iyo 2003 waxayna u dhashay laba carruur ah.

2) Xaaskii labaad waxay ahayd Sony Nicole Hamlin oo uu guursaday sanadki 2006. Wuxuu qabay 4 bilood oo keliya ah.

3) Xaaskiisa seddexaad waa Sabrina Dhowre oo Soomaali ah, oo ay hadda wada joogaan.

Leave a Reply