17- January-2024- Maxay Fagaarayaasha Ay Somalia ๐ธ๐ด Soo Istaagtay Uga Dhuumaneysaa Ethiopia ๐ช๐น ?
Somalia oo ku hubeeysan ku dhaganaashiyaheeda ilaalinta qawaaniinta caalamiga ah Iyo taageerada caalmka ayaa Iska xaadiri doonta kulanka IGAD ee Kampala, Iyadoo ethiopia ay isla gaabineyso fadeexada xadgudubkeeda oo ka hor,istaagay inay timaado fagaarayaasha caalamka
IGAD ayaa xaqiijisey qabsoomista Shirweynaha 42-aad ee a๏ปฟๅฃฏ้ฝ่ฅ an caadiga ahayn ee madaxda dalalka IGAD oo lagu wado inuu ka furmo dalka Uganda ๐บ๐ฌ 18-ka Janaayo 2024
Itoobiya ayaa lagu wadaa inaaney ka soo qeybgalina shirkan oo sida lagu daabacay barta Urur_goboleedka IGAD uu ku leeyahay X lagu xaqiijiaya khamiista in uu ka furmayo magaalada Kampala.
Dhaqdhaqaaqyada dagaalka diplomaasiyadeed ee dowlada Somalia ayaa sii xoogeeysanaya, taas oo sii dhiirigalineysa-Wafdiga Somalia ee ku hubeeysan ilaalinta qawaaniinta caalamiga ah Iyo taageerada caalmka inay tagaan kulanka IGAD ooy ay dalbatay Djibouti Iyadoo ay sii kordheyso xiisada ka dhalatay doonista itoobiya ee saldhig military ooy ku yeelato Marin Badeedka gobolada waqooyi ee Somalia
Ka dib talaabadii DFS ay hawadeeda kaga celisay diyaarada Ethiopian Airlin oo dadkii ka falceliyay ay soo dhaweeyeen, waxaa xigay dharaabxo kale oo ka timid Turkiga .
IGAD oo xaqiijisay in berri uu qabsoomayo shirka ay ku baaqday Jabuuti
Dowladda Turkiga ayaa maanta ku gacanseeyrtay safar uu doonayay in uu dalkooda ku tego Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulka gobolada waqooyiga Somalia ee Somaliland ciisa keyd ,iyadoo Sabah looga dhigayo xushmada turkiga u hayo wadajirka Somalia Iyo heshiis beenaadkii uu ka caroday ee dhawaan ka dhacay magaalada Addis Ababa
Jabuuti ayaa ku martiqaadday shirkaasi madaxda waddamada gobolka. Shirkan ayaa looga wadahadalayaa colaadda Sudan iyo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Jabuuti dhowaan.