11″May” 2022″ Muqdisho”
Musharax kasta ayaa waxaa la siiyay 20 daqiiqo oo uu ku sharaxo waxqabadkiisa iyo Ajendayaasha u diyaarsan haddii ku guulleysto Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in ay maanta si rasmi ah u bilaabeen khudbadaha Musharixiinta Xilka Madaxweynaha, isla markaasna berri la sii wadi doono.
Berri 19 musharax oo kale oo uu kamid yahay Madaxweynaha talada haya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo jeedinaya Khudbadooda Musharaxnimo.
15 bishaan May oo ku beegan Axadda ayaa loo asteeyay in ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha oo ay u taagan yihiin Musharixiin 壯陽藥 gaareyso 39 ruux.
Waxaa maanta loogu taloglay inay hadlaan 20 murashax, ayada oo 19 kalena la qorsheeyey inay khudbadaha jeediyaan maalinta Khamiista ah.
Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka dalbaday xubnaha musharixiinta ah inay waqtiga ilaaliyaan, isla-markaana ay waqti hore soo gaaraan gudaha xerada Afisyooni, oo ay haatan qaar kamid ah ku suganyihiin.