Ilaa 57 qof oo meyd ah ayaa ku soo caariyay xeebaha kadib markii doonyo ay kula degeen xeebaha Liibiya

25″ April “2023

Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa ka soo kala jeeda Pakistan, Syria, Tunisia iyo Masar, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ilaalada xeebaha Libya.

Ugu yaraan 57 qof oo meyd ah ayaa ku soo caariyay xeebaha kadib markii labo doonyood ay ku dagtay badda Mediterranean-ka, iyagoo marayay magaalooyin kala duwan oo ku yaal 犀利士 galbeedka Liibiya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ilaalada xeebaha iyo shaqaale gargaar ah.

Qof ka badbaaday ayaa sheegay in ay saarnaayeen ilaa 80 rakaab ah mid ka mid ah doomihii u kacay Yurub abaarihii 2-dii subaxnimo ee wakhtiga maxaliga ah (00:00 GMT) Talaadadii.

Kow iyo toban mayd, oo uu ku jiro ilmo yar, ayaa laga soo saaray Qarabulli ee bariga Tripoli, ayuu yidhi sarkaalka ilaalada xeebaha Fathi al-Zayani. Qaxootigu waxa ay u kala dhasheen Pakistan, Syria, Tunisia iyo Masar, ayuu yidhi.

Shaqaale ka tirsan hay’adda bisha cas ee magaalada xeebta ku taal ee Sabratha, ee galbeedka Tripoli, ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay soo saareen 46 mayd tan iyo markii ay doon ku degtay xeebaha Liibiya shan maalmood ka hor.

Dhimashadii ugu dambeysay waxay daba socotaa soo kabashada 11 mayd Isniintii, kuwaas oo “loo wareejiyay maamulka” ee Sabratha, Bisha Cas ayaa ku xaqiijisay Facebook.

Sawirro waxaa internetka soo galiyay hay’adda Bisha Cas ee Sabratha oo muujinaya meydad ku jira boorsooyin madow oo la dhigay dhabarka dambe ee gawaarida xamuulka ah ee ay dhigayaan shaqaalaha gargaarka oo xiran waji-xidhka iyo galoofyada.

Hay’adda socdaalka adduunka ayaa sheegtay bishan in 441 qof ay ku qaraqmeen horraantii 2023 xilli ay isku dayayeen in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ee Waqooyiga Afrika una gudbaan Yurub, waana dhimashadii ugu badnayd muddo saddex bilood ah oo la diiwaangeliyay lixdii sano ee la soo dhaafay.