Inkastoo dib u milicsi qoto dheer ay u baahan tahay marka la doonayo in la, lafa guro waxyaabaha ku qarsoon daaha gadaashiisa ee riixaya in hogaamiyayaasha Jubbaland iyo RSF ay ku Caasigaroobaan Somalia Iyo Sudan hadana soo gaabintu waxay ina tusineysaa saameeynta ay labadan arin isku leeyihiin
Hogaamiyaha Jubbaland ayaa xiriir kobcay la ,lahaa Imaaraadka carabta oo maamulka maaglo xeebeedka Kismaayo ka gacan siiyay arimo kala duwan intii uu ku jiray axmed madoobe colaadinta dowladii Madaxweyne Farmaajo oo Abu Dhabi ay ka dhex arkeeysay dowlada ay xafiiltamaan ee Qatar
Lakabyada qorshayaal huursanaa oo soo biloowday ka hor ku soo laabashadii talada dalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hada mar mid qaraxayaa
Damaca badeed ee Itoobiya, ku lug yeelashada DP WORLD, ee dakadaha barbara iyo boosaso oo lagu daray wadashaqeyn la,aanta dowlada dhexe Iyo putland ayaa intaba horey u ahaa cadaadis uu Imaaraadku hayo soo kabashada rajada dowladnimo ew Somalia
Waxaana hada ku soo darsmay khilaafka dowlada fadaraalka somallia Iyo maamulgoboleedka Jubbaland
Amar diidka Axmed Madoobe ayaa uga dhigan Xukuumadda Reysilwasaare Xamza iskuday la doonayo in wax loogu dhimo yididiilada Soomaalida u jeesatay ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeeda
Dowladda dhexe ayaa markii ugu horeysay shalay iftiimisay gacmo shisheeye oo aysan magacaabin markii amar lagu soo xirayo Axmed Madoobe ay soo saartay kaas oo heysto dacwad lagu suntay Qiyaamo Qaran Iyadoo ay jirto suurtagalnimada Tallaabooyin kale oo dheeraad ah oo lagu ciqaabayo hogaamiyaha Jubbaland In dowladda dhexe ee Somalia ay qaado
Ilaalinta danaha Imaaraadka ee ku aadan Ganacsiga dekedaha ,Khayraadka Iyo Macdanta Bariga Afrika ..
Caddaymo isa soo taraya ayaa waxay muujinayaan in dawladda khaliijk ee Imaaraadka carabta ay hubaynayso ciidamada taageerada degdega ah ee RSF ee dagaalka dhimashada badan ku lugta leh
Taageeradan ayaa si dhow ugu xiran danaha Abu Dhabi ay ka leedahay kheyraadka baaxadda leh ee beeraha iyo macdanta ee dalka Afrikanka ah ee Sudan sida ay sheegeen falanqeeyayaashu
Khubarada iyo dadka indha indheeya arimaha Bariga Afrika ayaa ku doodaya in qayb ka mid ah dhiirigelinta Imaaraadku ku maal-gelinayo colaadda khasaaraha badan dhalisay ay tahay in la dammaanad qaado inay Sudan ka heli karto dhulka, dekedaha iyo khayraadka macdanta iyo beeraha oo ay ku jiraan xoolaha iyo dalagyada.
“RSF waa gacanta Imaaraadku ku leeyahay Suudaan,” ayuu yiri Amgad Fareed Eltayeb, oo ah falanqeeye horena u ahaan jiray kaaliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok.