Imaaraatka Carabta ayaa xiray qareenka Mareykanka ee Khashoggi oo lagu eedeeyay lacago sharci darro ah

17″ July 2022″ SOURCE: NEWS AGENCIES

Qareenka xuquuqda madaniga ah, oo u doodayay saxafiga Sucuudiga ah ee la dilay, ayaa la xiray isagoo transit ku maraya garoonka diyaaradaha ee Dubai, sida ay sheegeen mas’uul iyo hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha.

Maamulka Imaaraatka Carabta ayaa xiray muwaadin Mareykan ah iyo qareen u dooda xuquuqda madaniga ah oo horay qareen uga soo noqday saxafiga la dilay ee Jamal Khashoggi, sida uu sheegay sarkaal iyo koox u dooda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Sarkaal ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Reuters in Asim Ghafoor la xiray isaga oo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Dubai 14-kii bishii July ka dib markii lagu helay dambi ah inuu ka maqan yahay lacag dhaqid.

Sarkaal Mareykan ah ayaa goor sii horeysay oo sabti ah sheegay in Washington ay ka warqabto xariga, balse ma sheegi karo in madaxweyne Joe Biden uu arrinta ku soo qaadi doono wadahadal laba geesood ah oo uu la yeelanayo madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo ku beegan shir madaxeedka Carabta ee ka dhacaya Sacuudiga.

“Ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya inay wax xiriir ah la leedahay arrinta Khashoggi,” ayuu yiri sarkaalka Mareykanka.

Khashoggi ayaa sanadkii 2018-kii lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, howlgal ay sirdoonk壯陽藥 a Mareykanku sheegeen in uu ansixiyay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan (MBS). MBS wuu diiday ku lug lahaanshaha

Kooxda Xuquuqul Insaanka ee Democracy for the Arab World Now (DAWN), oo Ghafoor uu xubin ka yahay, ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay qareenka xuquuqda madaniga ah ee fadhigiisu yahay Virginia inuu ku sii jeeday Istanbul si uu uga qayb galo aroos qoys markii la xiray.

Kiiskii ayaa dib loo furay

Sarkaal ka tirsan Imaaraatka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Imaaraatka ay aqbaleen codsi uga yimid safaarada Mareykanka ee ku aadan in booqasho qunsuliyadeed ay ku tagaan Ghafoor. Waxa uu intaa ku daray in maadaama maxkamaddii asalka ahayd lagu qabtay maqnaansho, Ghafoor loo oggol yahay inuu codsado dib-u-eegis.

“Codsi waa la helay oo waa la aqbalay, taasoo keentay in kiiska dib loo furo, waxaana socda dacwadaha sharciga ah ee khuseeya,” ayuu yiri sarkaalku.

DAWN oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan qunsuliyada Maraykanka ayaa sheegay in qareenka lagu hayo xabsi ku yaala Abu Dhabi. Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in Ghafoor uusan waxba kala socon wax dacwad ah oo dhanka sharciga ah.

Waxay sheegtay in xukunku la helay “iyada oo aan la marin nidaam cadaalad ah” waxayna ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo

Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Imaaraadku uu xabsiga dhigay boqolaal qof oo isugu jira dhaq-dhaqaaqayaal, aqoonyahanno iyo qareeno kuwaas oo lagu soo oogay dacwado aan cadaalad ahayn oo lagu eedaynayo.

Imaaraatka Carabta ayaa ku gacan seyray eedeymahaas oo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna sheegeen in ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha

https://youtu.be/r35O_cL3Rx8

Leave a Reply