27″ May” 2022
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ogolaaday inay dib u bilaabaan dhaqaalihii ay ka gooyeen Soomaaliya sannadii hore, xili ay jirtay xiisad ka dhalatay dib u dhac ku yimid doorasho jiitamaysa iyo muddo kordhin laga 壯陽藥 hor yimid
Kulanka oo ku qabsoomay habka fogaan arraga ayaa waxaa ka qaybgalay sii hayaha Wasaarada maaliyada somalia C/raxman ducale bayle
Waxaana looga hadlay sidii loo soo celin lahaa lacagihii kabka maaliyadeed ee somalia laga jaray iyadoo jirto abaaro ka sii dareeya islamarkaasna uu isbadalka ku yimid hogaanka dalka doorashadii la soo gabagabeeyay ka dib
Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo ka hadlay kulan ayaa waxaa uu yiri:“Maanta waxa aan shir-gudoomiyay kulanka wadajirka ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo aan uga wada hadalnay habka ugu sahlan ee Dowladda Soomaaliya ku heli laheyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo dhaafay la joojiyay.
Waxaa kale oo aan diiradda saarnay sii wadidda isbaddalka Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga gudaha oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya”.