In ka badan ‘100 dagaalyahan’ ayaa lagu dilay dagaal qaraar oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya –DFS ayaa sheegtay

5- October-2023-Muqdisho : Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa sheegay in 100 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay Koonfurta Gobolka Mudug.

Wasiirka Warfaafinta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku jabiyeen dagaalkii uu dhiigga badan ku daatay ee Arbacadii ka dhacay dhulka howdka ah ee ku dhow deegaanka Shabeelow.

Intii uu shirka jaraa’id ku guda jiray wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in sidoo kale lagu burburiyay saldhigyo iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ay ku guda jiraan howlgaladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab looga sifeynayo gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya oo hoostaga maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in howlgal kale uu ka socday howdka degmada Mahadaay oo uu sheegay in muddo 10 maalmood ah ay go’doomiyeen horjoogayaal iyo dagaalyahano kale oo ka tirsan Al-Shabaab.

Aweys ayaa intaa ku daray in 19 horjooge lagu dilay howlgallada ka socda Galmudug iyo HirShabeelle, kuwaas oo ka mid ahaa in ka badan 1,600 oo maleeshiyo ah oo ku dhintay weerar socday muddo laba bilood ah.

Leave a Reply