11″ March “2023
In ka badan 1,000 qof ayaa lagu soo badbaadiyay labo dekadood oo Talyaani ah ka dib markii doonyo xad dhaaf ah oo ay la socdeen ay dhibaato kala kulmeen badda Mediterranean-ka, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Talyaaniga, ku dhawaad labo toddobaad ka dib markii ugu yaraan 74 qof ay ku dhinteen doon ku degtay.
Ilaalada xeebaha ayaa sheegay Sabtidii inay soo gabagabeynayaan hawlgal ballaaran oo samatabixin ah oo bilowday Jimcihii ka dib markii saddex doomood lagu arkay xeebaha Talyaaniga. Mid ayaa koonfurta ka xigta magaalada Calabrian ee Crotone iyo laba kale oo dhanka koonfureed ka xiga Roccella Ionica.
Fiidiyowyada ilaalada xeebaha ayaa muujiyay doon weyn oo kalluumeysi oo si xoog leh gadaal iyo gadaal uga soo dhacaysa badda kacsan ee habeenkii iyadoo tobanaan qof ay ka muuqdaan sagxada dusheeda. Sawirro kale ayaa muujinayay doonyo samatabbixin ah oo la buufiyay oo ku soo wajahan markab kale oo kalluumaysi oo dad ka buuxaan.
Hawlgallo badan
Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in 487 qof oo saarnaa doonidii ugu horreysay si nabad ah lagu keenay dekedda Crotone abbaare 02:00 GMT subaxnimadii Sabtida.
Hawlgal kale oo samatabbixin ah oo 500 oo qof lagu soo badbaadiyay markab ilaalada xeebaha ayaa la soo gebagebeeyay, ayay tidhi. Wakaalada wararka ee ANSA ayaa goor sii horeysay sheegtay in markabka uu ku soo xirtay dekada Reggio Calabria.
Dooni saddexaad oo ay saarnaayeen 379 qof ayaa waxaa soo badbaadiyay labo doonyood oo ilaalada xeebaha ah, waxaana qaxootiga lagu wareejiyay markab ay leeyihiin ciidamada badda oo ku sii jeeday dekedda Sicilian ee Augusta, ayay tiri.
Baaritaanka burburka markabka
Meydka gabar yar ayaa laga soo saaray Sabtidii meel u dhow halka uu markabku ku burburay 26-kii Febraayo, taasoo ka dhigeysa tirada dhimashada musiibadaas 74. Sagaal iyo todobaatan qof ayaa ka badbaaday doonida degtay, laakiin ku dhawaad 30 ayaa weli la la’yahay, iyadoo loo maleynayo inay dhinteen.
Isku soo wada duuboo, Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay 300 oo qaxooti ah inay ku dhinteen badhtamaha Mediterranean-ka sanadkan.
Xukuumadda garabka midig ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulantay in ay ku guul-darreysatay in ay farageliso waqtigii loogu talagalay,犀利士 si loo badbaadiyo doontii ku degtay 26-kii bishii February, taasi oo ka dhacday meel ka baxsan xeebta Calabria.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay baarayaan in mas’uuliyiinta Talyaanigu ay ahayd inay wax badan ka qabtaan sidii looga hortagi lahaa musiibada. Meloni waa ay diiday talada oo waxay eegtay in ay gebi ahaanba eedda dusha ka saarto kuwa dadka tahriibiya.