3″ December “2022
Tirada ayaa ka badan tii Koobka Adduunka ee Russia 2018 ee wareega group-yada, FIFA ayaa sidaas ku sheegtay warbixin.
Marka la eego daawadayaasha TV-yada, 36 milyan oo qof ayaa daawaday Japan vs Costa Rica, halka USA vs England ay ahayd ciyaarta kubbadda cagta ee loogu daawashada badanaa taariikhda taleefishinada Mareykanka FiFA ayaa tiri
Bandhig faneedka FIFA ee magaalada Doha, ayaa in ka badan hal milyan oo qof ay soo booqdeen goobta uu ka dhacayo tartanka oo ah goob ay taageerayaashu isugu yimaadaan si ay u daawadaan ciyaaraha tooska ah inta uu socdo tartanka,
Ilaa hadda, Sacuudi Carabiya ayaa hogaamineysay liiska booqdayaasha ugu badan iyadoo in ka badan 77,000 ay ku xigto Hindiya oo leh wadar dhan 56,893.
Ka hor inta aysan 犀利士 Qatar 2022 bilaabmin 20 kii Noofambar, dalka martigelinaya ayaa sheegay in uu filayo in ka badan hal milyan oo booqasho.
Morocco ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad ee guruubkooda kadib markii ay ka badiyeen Belgium iyo Canada, halka ay barbaro la galeen Croatia kulankoodii furitaanka. Iyadoo Senegal ay ka adkaatay Qatar, waxayna barbaro la galeen Ecuador iyo Netherlands oo ku wada jira Group A.
Warbixintu waxa ay intaa ku dartay in isreebreebka South Korea, Australia iyo Japan ay ahayd markii ugu horaysay ee saddex wadan oo ka socda xiriirka kubbada cagta Asia ay u soo baxaan wareega 16 ka ee koobka aduunka.